Muqdisho, Sebteembar 15, 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo kaalmaha koowaad ilaa saddexaad ka galay tartan caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay dalka Qatar.
Ardayda uu Ra’iisul Wasaaruhu qaabilay ayaa kala ah Qaari Cabdiqani Cabdiqaadir Sheekh Xuseen, oo ku guuleystay kaalinta koowaad, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed, oo galay kaalinta labaad, iyo Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ku guuleystay kaalinta saddexaad.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya uga soo hoyeen tartanka caalamiga ah, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay magaca Soomaaliya uga dhex muuqdeen tartanka.




From the comments