Goobjoog

Wafuud heer Federaal ah oo ku sii qulqulaya Dhuusamareeb ka hor caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

Dhuusamareeb, 4 Nofeembar 2026: Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ku sii qulqulaya wafuud heer Federaal ah iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee…

Wafuud heer Federaal ah oo ku sii qulqulaya Dhuusamareeb ka hor caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

Dhuusamareeb, 4 Nofeembar 2026: Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ku sii qulqulaya wafuud heer Federaal ah iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa.

Wafdiga ugu dambeeyay ee gaaray magaalada waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), waxaana qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, oo uu ka mid yahay Hoggaamiye Ku-xigeenka Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Intii uu magaalada ku sugnaa, Guddoomiye Timacadde iyo wafdigiisa waxaa booqasho ugu tegay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, kaas oo uga mahadceliyey imaanshahooda iyo taageerada ay u muujiyeen munaasabadda caleemo-saarka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo isaguna gaaray Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ay magaalada u yimaadeen ka qeybgalka munaasabad taariikhi ah oo maalinta berri ah ka dhaceysa Galmudug, isaga oo Hoggaamiyaha cusub uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey.

Imaatinka wafuuddan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo la filayo inay berri ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments