JOWHAR (Goobjoog News) — Heerka biyaha Wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ayaa si weyn sare ugu kacay, iyadoo digniino laga soo saarayo fatahaad saamayn karta magaalada, degmada Balcad iyo tuulooyinka beeraleyda ah ee ku yaalla hareeraha wabiga.
Xogta FAO-SWALIM ayaa muujisay in 14-kii Oktoobar heerka wabigu gaaray 5.38 mitir, taas oo 13 sentimitir oo keliya ka hooseysa heerka uu qarka ka buuxsamayo. Kororku wuxuu daba socdaa roobabka Deyrta iyo biyaha ka imaanaya dhinaca Beledweyne iyo Buuloburde.
Roobab kale oo ka da’a gudaha Soomaaliya iyo buuraleyda Itoobiya ayaa kordhin kara biyaha ku qulqulaya Wabiga Shabeelle. Xaaladdaasi waxay khatar gelin kartaa xaafadaha hoose, dhul-beereedyada, waddooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan marinka wabiga.




From the comments