Muqdisho,Soomaaliya | 21 Oktoobar 2026 Markii ugu horreysay, Dowladda Soomaaliya ayaa martigelinaysa Dib u-eegista Muddada Dhexe ah ee Kalfadhigii Labaad ee Guddiga Joogtada ee Wadajirka ah Soomaaliya iyo Uganda (JPC), iyadoo ay barbar socto Madasha Maalgashiga Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee labada dal.
Kulanka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), waxa uuna socondooaa muddo laba maalmood ah, s waxaa diiradda lagu saari doonaa kulanka inta uu socdo arrimaha amniga, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska iyo shaqaalaha.
Waxaa sidoo kale madasha furitaanka ka qeyb galay Wasiirrada Shaqada ee labada dal ee Soo.aaliya iyo Uganda, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibroow oo Soomaaliya ka socday iyo Sarreeye Guuto (Hawlgab) Henry Tumukunde oo dowladda Uganda ka socday.




From the comments