Hal qof ayaa ku dhintay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd, oo ku yaalla magaalada Dammam ee bariga Sacuudiga, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalkaas.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka dhaawacmay, kuwaas oo xaaladdoodu u dhexeyso dhaawacyo fudud iyo kuwo halis ah, si degdeg ah loogu qaaday isbitaallada si loogu dabiibo. Waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah laga soo saari doono dhacdada.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga, kuwaas oo lala xiriirinayo colaadda u dhexeysa xoogagga Xuutiyiinta Yemen iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, taas oo taageero ka hesha Riyadh.




From the comments