Goobjoog

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dowladda iyo Shacabka Masar kaddib Shil Tareen oo ka Dhacay Magaalada Giza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi rasmi ah u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shil tareen oo 8-dii November 2026 ka dhacay magaalada Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo ah 10-ka November ayay ku sheegtay inay murugada la qeybsanayso dowladda Masar iyo qoysaska dadkii ku waxyeelloobay shilkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Masar xilligan adag, iyadoo Alle uga bariday dadka ku dhintay shilka inuu naxariistiisa siiyo, eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay u rajeysay dadka dhaawacmay inay si dhaqso ah oo caafimaad buuxa uga soo kabtaan dhaawacyada soo gaaray.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments