Goobjoog

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Xaaladda Amni iyo Dagaalka ka Dhanka ah Argagixisada

Danjiraha dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Kulanka ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada milatariga iyo amniga Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta amni ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Danjire Ferhat Alkan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo amniga dalka.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay Soomaaliya ka taageerayay dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.

Danjiraha Turkiga ayaa sidoo kale uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, is-weydaarsiga aragtiyaha iyo wada-hadallada miro-dhalka ah ee ay yeesheen.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments