Muqdisho, 19 Sebteembar 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga (Credentials) Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Laszlo Mathe.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu guddoomay warqaddii looga yeeray Safiirkii hore ee Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada uu u muujiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.



From the comments