Maamulka Puntland ayaa sii daayay ciidamadii ay maanta ku qabteen magaalada Galkacyo, kuwaas oo ay Puntland ku tilmaantay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa Puntland lagu sheegay inay gudaha u galeen qaybta waqooyi ee Galkacyo, waxaana markii dambe lagu wareejiyay dhiggooda maamulka Galmudug.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ciidamadaasi ay dayoobeen, isla markaana aanay jirin tallaabo dheeraad ah oo laga qaaday.



From the comments