Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Steen Sonne Andersen, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Denmark, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga badaha iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.




From the comments