Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa hay’adaha Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ka taageeraysa baaritaanka forensigga ee markabka MT Honour 25, kaas oo laga soo furtay burcad-badeed Soomaali ah.
Taageerada INTERPOL ayaa diiradda saaraysa habka loo ururinayo, loo baakadaynayo, loo kaydinayo looguna gudbinayo shaybaarrada caddeymaha laga helo ee Markabka.
Baaritaanku wuxuu gacan ka geysan karaa aqoonsiga dadkii afduubka fuliyey iyo isku xirka caddeymaha iyo tuhmanayaasha la qabtay.




From the comments