Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha iyo waajibaadka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyey dadaallada guddigu ugu jiro ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka, gaar ahaan iskaashiga u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.



From the comments