Goobjoog

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka Qeyb galay Xuska Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayay sannad-guurada 103-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo munaasabadda kula wadaagay dowladda iyo shacabka Turkiga hambalyada sannad-guuradan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga u diray hambalyo, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo is-garab istaag.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyay dadaallada dowladda Turkiga ee ku aaddan taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu horseeday mashaariic horumarineed oo wax ka taraya nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments