Goobjoog

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku matalay shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Moscow ee dalka Ruushka kaga qeyb galay furitaanka Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, isaga oo wakiil…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku matalay shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Moscow ee dalka Ruushka kaga qeyb galay furitaanka Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, isaga oo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo dalalka Afrika ayaa looga hadlayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyo dejinta qorshayaasha iskaashi ee sannadaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirka ka raadineysa iskaashi dhinacyada amniga badda, maalgashiga dhaqaalaha ku saleysan kheyraadka badda, tamarta iyo horumarinta xirfadaha, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dooneysa inay ballaariso iskaashiga caalamiga ah, iyadoo mudnaan siineysa fursadaha maalgashi iyo iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in Soomaaliya, oo leh xeeb ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, isla markaana xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay taageereyso ajande Afrika oo lagu saleeyo natiijooyin la taaban karo.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, isla markaana ay ku raadineyso iskaashi ku saabsan amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments