GAROOWE (Goobjoog News) — Roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka Godob-yar ee gobolka Nugaal ayaa sababay fatahaad gashay guryaha, goysay waddooyinka, qoysasna ku khasabtay inay u barakacaan bannaanka tuulada.
Muuqaallo laga soo duubay deegaanka ayaa muujiyey biyo dhex fadhiya guryaha iyo waddooyinka, iyadoo dadka qaar ay ka guureen hoygoodii si ay uga badbaadaan fatahaadda. Weli lama shaacin tirada rasmiga ah ee qoysaska barakacay ama baaxadda hantida ku burburtay.
Burburka musqulaha iyo isku-darka bulaacadaha iyo biyaha fatahaadda ayaa abuuraya khatar caafimaad. Haddii aan la helin biyo nadiif ah iyo adeegyo fayadhowr, waxaa kordhi kara cudurrada shubanka, daacuunka iyo infekshannada kale ee biyaha wasakhaysan la xiriira.




From the comments