Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay 33 dal oo Afrikaan ah oo ka faa’iideysanaya barnaamijka ganacsi ee Midowga Yurub ee loo yaqaan Everything But Arms (EBA), kaas oo dalalka ugu saboolsan dunida u oggolaanaya inay badeecooyinkooda u dhoofiyaan suuqyada Midowga Yurub iyaga oo aan bixin canshuuraha kastamka, isla markaana aan lagu soo rogin xaddidaad ku saleysan qoondada badeecooyinka la soo dejinayo.
Arrintan ayaa Soomaaliya u furaysa fursado cusub oo dhinaca ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha ah, maadaama ganacsatada Soomaaliyeed ay heli doonaan suurtagalnimada inay badeecooyinkooda geeyaan suuqyada Yurub, iyaga oo ka faa’iideysanaya fududeynta canshuuraha dhoofinta.
Barnaamijkan oo uu Midowga Yurub ugu talagalay taageeridda dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo wax-soo-saarka, la kobciyo ganacsiyada gudaha, isla markaana dalalka ka faa’iideysanaya loo abuuro fursado ay kaga qeyb qaataan ganacsiga caalamiga ah.
Sida lagu sheegay bayaanka Wafdiga Midowga Yurub ee Soomaaliya, nidaamkan ma laha waqti cayiman oo uu ku dhammaanayo, waxaana uu daboolayaa dhammaan badeecooyinka marka laga reebo hubka iyo rasaasta,taas ayaana ka dhigan in Soomaaliya ay heli karto fursad waqti dheer ah oo ay ku horumariso dhoofinta badeecooyinka ay gudaha dalka ka soo saarto.
Fursaddan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon karta ganacsatada ka shaqeeya kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, maadaama ay heli karaan suuq cusub oo ballaaran, taas oo dhiirrigelin karta kordhinta wax-soo-saarka, abuurista shaqooyin iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda.
ka mid noqoshada barnaamijkan macnaheedu ma aha in badeeco kasta oo Soomaaliya laga dhoofiyo ay si toos ah ku geli karto suuqyada Yurub, waxaana ganacsatada weli laga doonayaa inay buuxiyaan shuruudaha Midowga Yurub ee la xiriira tayada badeecooyinka, badqabka cuntada, caafimaadka iyo caddeynta halka badeecaddu ka timid.
Si Soomaaliya ay uga faa’iideysato fursaddan, waxaa muhiim ah in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, dekedaha, waddooyinka, xarumaha kaydinta iyo qaboojinta badeecooyinka, iyo sidoo kale hay’adaha hubiya tayada wax-soo-saarka dalka.
Ku biirista Soomaaliya ee barnaamijka EBA ayaa noqon karta tallaabo muhiim u ah ballaarinta ganacsiga dalka iyo helitaanka suuqyo caalami ah, hase yeeshee faa’iidada dhabta ah waxay ku xirnaan doontaa sida dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideystaan fursaddan, una diyaariyaan badeecooyin buuxin kara shuruudaha suuqa Yurub.
From the comments