Goobjoog

QM oo Boosaaso ku Tilmaantay Marin Loo Adeegsado Taageerada RSF-ta Suudaan

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa magaalada Boosaaso ku xustay inay ka mid ahayd marinnada ay adeegsadeen shabakado caalami ah oo lagu taageerayay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah…

QM oo Boosaaso ku Tilmaantay Marin Loo Adeegsado Taageerada RSF-ta Suudaan

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa magaalada Boosaaso ku xustay inay ka mid ahayd marinnada ay adeegsadeen shabakado caalami ah oo lagu taageerayay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan, ee loo yaqaan RSF.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaqiiqo-raadinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan ayaa sheegay inuu helay sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in shirkado gaar loo leeyahay, dilaaliin saadka iyo hay’ado shaqaaleysiin ay Boosaaso u adeegsadeen goob transit ah.

Sida warbixintu tilmaantay, shabakadahan ayaa Boosaaso, chad iyo koonfur-bari Liibiya u maray marinno lagu gaarsiinayay taageero dhinacyo badan leh Ciidamada RSF, oo uu hoggaamiyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Daagalo, oo loo yaqaan Xamidti.

Guddigu wuxuu sheegay in la diiwaangeliyay ilaa 2,000 oo askari oo hore uga tirsanaa ciidamada milatariga Kolombiya, kuwaas oo lagu xaqiijiyay inay ku biireen cutubyo ka tirsan RSF.

Warbixintu waxay sheegtay in ciidamadaasi ay dagaalka ku adeegsadeen qalab casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiic iyo hub kale.

Dhanka kale, guddiga ayaa sidoo kale xusay in Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Suudaan, ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ay adeegsadeen diyaarado drones ah oo laga helay dalal shisheeye, iyadoo duqeymaha qaarkood ay sababeen waxyeello soo gaartay dad rayid ah.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baaritaanno madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadka, dowladaha iyo shirkadaha lagu tuhunsan yahay inay amreen, maalgeliyeen ama fududeeyeen marinnada saadka ee loo adeegsaday dagaalka Suudaan.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin eedeymaha Boosaaso lagu xusay ee ku jira warbixinta Qaramada Midoobay.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments