Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Cali ayaa ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta ee ka qeyb-galaya Madasha WSIS20 oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray Guusha dabaal degga sanadguurada 20-aad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay, heerarka ay soo martay iyo halka loo jiheesanaayo, waxaana la Isla qaatay in la xoojiyo mabaadii’da WSIS20 ee Nidaamka Maamulka Dhijitaalka ah ee Caalamiga ah iyo sida la isaga kaashankaro.
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa Shirka Wasiirada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneyso. Soomaaliya waxa ay meel fiican ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada marka la fiiriyo Tobankii sano ee la soo dhaafay, Adeegga Internetka oo la baahiyey iyo xarkaha keeno oo la dhigay meelo badan oo Dalka ah si loo fududeeyo isku xirka kaabayaasha dhijitaalka Dalka, waxaana gaarsiindoonaa wadamada deriska ah kuwa aan la heyn badda oo ka faa’iideesanaya isku xirka Bariga Afrika”



From the comments