Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dib u xoojiyay wada-hadallada ku saabsan mashruuc la qorsheynayo oo lagu dhisayo deked hawada sare (Spaceport), taas oo la filayo inay dalka u furto fursado cusub oo la xiriira horumarinta sayniska, tiknoolajiyadda iyo shaqooyinka xirfadaha sare leh.
Wada-hadallo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Fathudin Ali Mohamed, iyo Madaxweynaha Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Yusuf Kıraç, kuwaas oo dib u eegis ku sameeyay halka uu marayo mashruucan ay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ku tilmaameen maalgashi muddo dheer ah oo lagu dhisayo mustaqbalka tiknoolajiyadda dalka.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta mashruuca, haddana dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in dekedda hawada sare aysan ku koobnaan doonin oo keliya goob dayax-gacmeedyo laga gano, balse ay horseedi karto kobcinta aqoonta gudaha ee dhinacyada injineernimada, cilmiga xogta, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda hawada sare.
Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka caawiyo Soomaaliya inay ballaariso ilaha dhaqaalaheeda, iyadoo ka gudbeysa ku tiirsanaanta dhaqaalaha xoolaha, beeraha iyo lacagaha dibadda laga soo diro, una tallaabeysa dhinacyada cilmi-baarista, hal-abuurka iyo teknoolajiyadda casriga ah.
Khubaro ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay leedahay faa’iido juqraafiyeed oo muhiim ah maadaama ay ku dhowdahay dhulbaraha adduunka (Equator), taas oo ka dhigaysa meel ku habboon in mustaqbalka laga fuliyo hawlgallada dayax-gacmeedyada ganacsiga haddii la helo kaabeyaasha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah.
Wada-hadalladan ayaa muujinaya heerka sii kordhaya ee iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, oo muddo ka badan toban sano ka mid ahaa saaxiibada ugu dhow ee Muqdisho.
Turkiga ayaa hore Soomaaliya uga taageeray dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo amniga, iyadoo labada dal ay hadda indhaha ku hayaan iskaashi dhinacyada sayniska iyo teknoolajiyadda horumarsan.
Faa’iidooyinka mashruucan ayaa la rumeysan yahay inay ka gudbi doonaan warshadaha hawada sare oo keliya, maadaama maalgashiyada noocan oo kale ah ay inta badan kor u qaadaan tayada waxbarashada, tababarrada farsamada, kaabeyaasha dijitaalka ah iyo awoodda cilmi-baarista ee dalka.
Haddii mashruucan la hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah qorshayaasha tiknoolajiyadeed ee ugu waaweyn ee Soomaaliya laga fuliyo taariikhda casriga ah, isagoo muujinaya himilada dalka ee ah inuu qeyb ka noqdo warshadaha iyo teknoolajiyadaha soo koraya ee caalamka, halkii uu ahaan lahaa oo keliya dal ku tiirsan gargaarka horumarinta.
From the comments