Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday shirweyne ku saabsan Teknolojiyada casriga ah ee beeraha loo adeegsado, waxaana daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayadoo ay ka qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka goboleedyada, danjireyaal, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala.
Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan sida lagu hormarin karo hannaan beeraha dalka iyo habab casri ah oo ku saabsan waxsoo saarka dalagyada, ayadoo gabangabadii laga soo saaray War-murtiyeed wax ku ool ah oo uu warbaahinta u akhriyay wasiiru dowlaha beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Cabdulqaadir.
Qodobada la soo saaray ee War-murtiyeedka ku jiray waxaa kamid ahaa in la adeegsada hannaanka waraabka casriga ah ee Tamarta dabiiciga ah, in la xoojiyo iskaashiga daneeyaasha beeraha, in laga dadaalo joogtaynta iyo kordhinta wax soo saarka dalagyada, iyo dhallinyarada iyo haweenka lagu dhiirigeliyo tacbashada.



From the comments