Wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway, ayaa gaaray magaalada Laascaanood.
Wafdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Laascaanood waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari, iyadoo kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada magaalada.
Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa wafdiga ku qaabilay xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaanka iyo arrimaha bani’aadantinimada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira xaaladda bulshada, baahiyaha bani’aadantinimo iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka deegaanka.
Booqashada wafdigan ayaa sidoo kale muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan dhinacyada gargaarka, adeegyada bulshada iyo howlaha bani’aadantinimo ee ka socda gobolka.
Masuuliyiinta maamulka ayaa la filayaa inay wafdiga kala hadleen baahiyaha mudnaanta leh ee ka jira deegaanka, halka Qaramada Midoobayna ay qiimeyn ku sameyn karto xaaladda iyo howlaha ay hay’adaha caalamiga ah ka wadaan deegaannada hoos yimaada maamulka.
From the comments