Goobjoog

Qaramada Midoobay iyo IGAD oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Dagaallada Muqdisho

Hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo Urur-Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada iyo rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay si…

Qaramada Midoobay iyo IGAD oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Dagaallada Muqdisho

Hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo Urur-Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada iyo rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal.

Qoraal ay soo saartay UNTMIS (United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia) ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay dagaallada ka bilowday Muqdisho, iyadoo dhinacyada isku haya khilaafka loogu baaqay inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyadeed leh, ka fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nolosha shacabka rayidka ah, ayna mudnaanta siiyaan xal nabadeed.

UNTMIS waxay sidoo kale xustay casharradii laga bartay qalalaasihii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muranka doorashooyinku sababay amni-darro iyo kala qaybsanaan, iyadoo ka digtay in aan mar kale lagu noqon khaladaadkii hore.

Dhanka kale, Urur-Goboleedka IGAD ayaa cambaareeyay dhammaan falalka rabshadaha ah ee laga soo wariyay Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda.

IGAD waxay ku adkaysatay in nabadda, midnimada qaranka iyo xasilloonida Soomaaliya ay yihiin arrimo mudnaan gaar ah leh oo aan loo oggolaan karin inay halis galaan.

Xoghayaha Fulinta IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed looga baahan yahay inay danaha shacabka ka hormariyaan kuwa siyaasadeed, isla markaana ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed.

Labada hay’adood ayaa si isku mid ah u muujiyay inay diyaar u yihiin taageeridda dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan saameynta dagaalladu ku yeelan karaan shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments