Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka xilka qaadista iyo magacaabista cusub uu yimid kaddib cabashooyin la xiriira hufnaanta iyo caddaaladda garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan, madax-bannaan oo la isku halleyn karo.




From the comments