Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay u gudbiyeen maxkamadda.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa yimid kadib baaritaanno iyo hubin sharciyeed oo ay maxkamaddu ku sameysay habraacyadii doorashada, cabashooyinkii la xiriiray iyo warbixinnadii guddiga doorashooyinka.
Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashadu u dhacday si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla.




From the comments