Baraha bulshadu waxay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha bulshada Soomaaliyeed. Facebook, TikTok, YouTube, Instagram iyo aaladaha kale ayaa maanta loo adeegsadaa helitaanka wararka, faafinta xogta, ganacsiga iyo doodaha bulshada. Isla waqtigaas, waxaa kordhay walaaca laga qabo wararka been-abuurka ah, marinhabaabinta, hadallada nacaybka ah iyo waxyaalaha waxyeellada leh ee la baahiyo. Arrintan ayaa keentay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay bilowdo dadaallo lagu horumarinayo, laguna nidaaminayo hab-adeegsiga warbaahinta dhijitaalka ah.
Siyaasadda Baraha Bulshada
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa bisha Luulyo 2025 qabatay kulan wadatashi qaran oo looga hadlayay diyaarinta siyaasadda baraha bulshada, si loo maareeyo halista ka dhalata adeegsigooda qaldan. Kulanka waxaa ka qaybgalay hay’adaha dawladda, xubnaha dawladgoboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, ururrada warbaahinta, bulshada rayidka ah iyo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada. Wasaaraddu waxay sheegtay in talooyinka ka soo baxay wadatashigaas ay gundhig u noqonayaan diyaarinta siyaasadda qaranka ee baraha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, lama helin nuqul rasmi ah oo muujinaya in siyaasaddii kamadanbaysta ahayd la ansixiyay, oo ay dhaqangashay. Sidaas darteed, waa muhiim in aan la isku qaldin siyaasadaha la diyaarinayo iyo sharciyada dhaqangalay.
Arrintani waxay qayb ka tahay qorshe ka baaxad weyn nidaaminta baraha bulshada. Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo Muqdisho ka dhacday 7da iyo 8da bishan Sibteenbar, waxaa diiradda lagu saaray casriyaynta warbaahinta, helitaanka xog sugan, la dagaallanka xogta qaldan iyo xogta si ulakac ah loo been-abuuray, adeegsiga garaadgacmeedka (AI), anshaxa saxaafadda iyo xoojinta xiriirka warbaahinta dawladda. Dawladdu waxay, sidoo kale, xoogga saartay hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Isgaarsiinta iyo iskudduwidda farriimaha hay’adaha dawladda.
Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda
Nidaaminta baraha bulshadu waxay si toos ah u taabanaysaa xorriyadda hadalka. Qodobka 18aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ahi wuxuu tilmaamayaa xorriyadda ra’yiga iyo hadalka, wuxuuna xusaa xorriyadda warbaahinta, oo ay ku jiraan warbaahinta elektaroonigga ah iyo tan internedka. Sidaas darteed, nidaam kasta oo cusub waa in uu si cad u qeexaa waxa mamnuuca ah, cidda go’aanka qaadanaysa iyo hannaanka qofku uga caban karo go’aankaas. Haddaba, wax-isweyddiinta mudani waa: yaa go’aaminaya in xogtu ay tahay mid qaldan, ra’yi qofeed, dhaliil ama war sugan oo saxan?
Dhinaca kale, haddii siyaasaddan la hirgeliyo, waxay saamayn, toos ah ama dadban, ku yeelanaysaa adeegsadayaasha, suxufiyiinta, warbaahinta, dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, dadka soo saara xogaha lagu baahiyo barahaas, ganacsiyada iyo hay’adaha dawladda. Dadka soo saara waxyaalaha la baahiyo ayaa si gaar ah ahmiyad u leh, maadaama qof kasta oo taageerayaal badan haysta uu awood u leeyahay in uu xog gaarsiiyo dad aad u tiro badan. Sidaas darteed, waxaa loo baahanyahay in si cad loo qeexo xilka qofka saaran marka uu faafinayo war ama xog dadweyne.
Waxaa jira weyddiimo badan oo muhiim ah oo weli taagan: goorma ayay siyaasadda kama dambaysta ah ee baraha bulshadu dhaqangelaysaa? Yaa fulinaya? Maxay yihiin tallaabooyinka laga qaadi karo qofka jebiya? Ma jiri doonaa hannaan racfaan? Sidee loo ilaalinayaa suxufiyiinta iyo dadka dawladda dhaliila? Sidee loo kala saarayaa xogta qaldan iyo xogta si ulakac ah loo been-abuuray? Maxayse siyaasaddani kaga duwantahay Sharciga Warbaahinta ee 2020kii la taabbageliyay iyo sharciyada kale ee dalka ka jira?
Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad ay si joogto ah oo xawli leh isu beddelayaan warbaahinta iyo tegnoloojiyaddu. Dawladdu waxay doonaysaa in ay wax ka qabato khataraha ka dhasha xogaha qaldan, xogaha sida bareerka ah loo been-abuuray iyo arrimaha kale ee waxyeellada leh ee la baahiyo, isla markaasna ay casriyayso warbaahinta iyo xiriirka dawladda iyo shacabka. Hasayeeshee, hirgelidda nidaamkani kuma xirna in la xakameeyo faafidda xogaha marinhabaabinta ah oo keliya, ee waxay, dhab ahaantii, ku xirnaan doontaa hufnaanta lagu dhaqangeliyo, ilaalinta xorriyadda hadalka iyo in bulshada loo caddeeyo cidda go’aaminaysa waxa sharci ahaan ama siyaasad ahaan qaldan. Doodda muhiimka ahi, sidaas darteed, waa sida loo heli karo dheellitir u dhexeeya badbaadada bulshada iyo suurtagalnimada xorriyadda hadalka, heer kasta ha joogtee.
From the comments