Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

Muxuu Yahay Heshiiska 123 Ee U Dhexeeya Mareykanka Iyo Sacuudiga?

Mogadishu (Goobjoog) – Waxaa markale dib u soo cusboonaaday doodaha ku saabsan iskaashiga Niyukleerka ee u dhexeeya Washington iyo Riyadh, usbuucan markii Dowladda Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay si…

Muxuu Yahay Heshiiska 123 Ee U Dhexeeya Mareykanka Iyo Sacuudiga?

Mogadishu (Goobjoog) – Waxaa markale dib u soo cusboonaaday doodaha ku saabsan iskaashiga Niyukleerka ee u dhexeeya Washington iyo Riyadh, usbuucan markii Dowladda Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay si rasmi ah u saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashiga Niyukleerka Rayidka ah.

Heshiiskan oo loo yaqaanno “Heshiiska 123” (123 Agreement) ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee labada dal ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirka dhaqaale, farsamo iyo kan amniga.

Haddaba, waa maxay heshiiskan, maxaana sababay in si weyn looga hadlo?

Maxay Tahay “Atfakiya 123” ama Heshiiska 123?

Heshiiska 123 waa sharciga ama habka sharciyeedka aasaasiga ah ee dowladda Mareykanka u ogolaanaya inay farsamada, qalabka, iyo walxaha Niyukleerka rayidka ah u dadbiso ama la wadaagto waddan kale.

Halkuu ka yimid magaca?

Magacu wuxuu ka yimid Xubinta 123 (Section 123) ee Sharciga Tamarta Atomikada ee Mareykanka ee la soo saaray sannadkii 1954.

Ujeeddada: Waa in loo adeegsado tamarta atomikada arrimaha nabadgalyadda (sida dhalinta korontada), isaga oo isla markaana dhagaha iyo shuruudaha ka hortagga faafinta hubka niyukleerka ah horkeenaya.

Nooca iyo Dabeecadda Iskaashiga Labada Dal

Heshiiskan u dhexeeya Riyadh iyo Washington wuxuu xambaarsan yahay faa’iidooyin waaweyn oo dhaqaale iyo mid farsamo, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay shuruudo ammaan.

Faa’iidooyinka

Heshiisku wuxuu Boqortooyada Sacuudiga u ogolaanayaa inay adeegsato teknoolajiyada heerka sare ah ee Mareykanka si ay u dhisto Niyukleerka ee dhalisa korontada rayidka ah.

Amniga

Heshiisku wuxuu meel dhigayaa shuruudo iyo habab adag oo looga hortagayo in teknoolajiyada ama walxahaas loo adeegsado sameynta ama faafinta hubka Niyukleerka.

Aragtida Mareykanka (Washington)
Maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo Aqalka Cad ayaa heshiiskan u arka fure dhaqaale oo muhiim ah

Wuxuu furayaa maalgashi balaayiin doolar ah, isagoo shirkadaha Niyukleerka ee Mareykanka siinaya fursado waaweyn, lana filayo inuu u abuuro kumanaan shaqooyin ah gudaha Mareykanka.

Wuxuu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda Washington ee lagu hormarinayo dhoofinta teknoolajiyada atomikada iyo dib-u-soo-dhaqajinta warshadaha Niyukleerka ee Mareykanka.

Heshiiska 123 ee u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya wuxuu waddada u xaarayaa in Sacuudigu helo Niyukleerka rayidka, iyada oo la dhowrayo hababka amniga ee caalamiga ah ee ka hortagga hubka atomikada.

Mareykankana wuxuu ka helayaa fursado maalgashi iyo mid dhaqaale oo balaayiin doolar ah.

Get Goobjoog updates

From the comments