Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

Munaasabado lagu maamuusay 26-ka Juun oo laga qabtay magaalooyin kala duwan oo dalka ah

Munaasabado ballaaran oo lagu xusayay 26-ka Juun, maalintii gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadda ka qaateen gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1960-kii, ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Madaxda iyo mas’uuliyiintii ka qeyb-gashay munaasabadahaasi ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ay maalintani u leedahay taariikhda Soomaaliya, iyagoo xusay halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda iyo kaalinta ay ku leedahay xoojinta dareenka waddaniyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay munaasabad heer qaran ah oo lagu maamuusayay 26-ka Juun, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan marnaba ka daali doonin dadaallada dib loogu soo celinayo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay sii wadi doonto wada-hadal kasta iyo dadaal kasta oo nabadeed oo horseedi kara is-afgarad, isagoo sheegay in la sameyn doono wax kasta oo walaalaha gobollada waqooyi ku qanci karaan, si loo xaqiijiyo midnimo ku dhisan wadajir iyo is-ixtiraam.

26-ka Juun ayaa ah maalin taariikhi ah oo astaan u ah bilowgii xorriyadda Soomaaliya, waxaana sannadkan ay ku soo beegmaysaa xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbeddello ka socda gobolka.

Sidoo kale, waxay ku soo aadaysaa iyadoo maamulka Israa’iil uu wax lagu sheegay Aqoonsi siiyay qeybo kamid ah gobollada Waqooyi ee dalka, taas oo ah arrin halis weyn ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Get Goobjoog updates

From the comments