Buntilaan waxay digniin u dirtay Galmudug, iyada oo ugu baaqday inay ka waantoowdo in ciidamada federaalka ahi ay degaannada Galmudug uga soo gudbaan dhinaca Buntilaan.
Galmudug ayaa, dhankeeda, iska fogeysay eedaha loo jeediyay, waxayna Buntilaan ugu baaqday inay xaliso caqabadaha gudaha ka haysta, oo aanay dusha ka saarin Galmudug.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya aanay u baahnayn inay soo marto degaannada Galmudug si ay Buntilaan u gaarto, maaddaama ay diyaarado ku degi karto garoomo ku yaalla gudaha Buntilaan.
Wadashaqaynta labadan maamul waxay muhiim u tahay amniga iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Mudug, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo oo soo martay marxalado adag.
Waxa jirtay xilli bulshada ku dhaqan labada dhinac ee Buntilaan iyo Galmudug la dhex dhigay xayndaab cas oo aan cidina ka tallaabi karin.
Madaxweynayaashii hore ee Buntilaan iyo Galmudug, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo dhowaan hadlay, waxay si isku mid ah uga qoomameeyeen dagaalladii qaraaraa ee lagu riiqday ee ka dhacay Gaalkacyo, kuwaas oo laga baaqsan karay, gadaalna ay ka riixayeen dhinacyo aanay garanayn.
Gaalkacyo maanta waa nabad. Ma jiro wax xayndaab ah oo u dhexeeya bulshada, waxayna magaaladu ku tallaabsatay horumar ballaaran muddadii ay nabaddani jirtay.
Khilaafka ka soo cusboonaaday labada maamul ayaa durba laga dareemayaa saamayntiisa. Xiisad colaadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa Gaalkacyo.
Haddaba, hoggaamiyayaasha hadda jooga ma ka hortegi doonaan colaad ka dhacda Gaalkacyo, mise sannado kaddib ayay dib uga qoomamayn doonaan sida madaxdii ka horraysay?
From the comments