Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

Dabka Soo Noqnoqda ee Suuqyada Dalka: Ma Jirtaa Tallaabo Ka Baddan Daminta Marka Uu Kaco?

Musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacday Suuqa Bakaaraha waxay mar kale si xanuun badan inoo xasuusisay dhibaatada joogtada ah ee ka taagan badbaadada iyo ka-fijignaanta dabka ee xituunaha waaweyn ee ganacsiga dalka.

Dabka Soo Noqnoqda ee Suuqyada Dalka: Ma Jirtaa Tallaabo Ka Baddan Daminta Marka Uu Kaco?

Musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacday Suuqa Bakaaraha waxay mar kale si xanuun badan inoo xasuusisay dhibaatada joogtada ah ee ka taagan badbaadada iyo ka-fijignaanta dabka ee xituunaha waaweyn ee ganacsiga dalka.

Ganacsiyo, xoolo, iyo shaqooyin sanado badan loo adkeysanayay ayaa saacado yar gudaheood ku baaba’a, iyada oo xaaladdu mar walba ku dambayso gurmad kaddib markii uu khasaaruhu dhaco.

Maxaa Sababa Musiibooyinkan?

Waxyaabaha ugu waaweyn ee keena in dhibaatadan ay dib u soo laablaabato waxaa ka mid ah nidaamka korontada oo taya-xun, iyada oo fiilooyinka duugoobay ama aan si habaysan loo gelin ay keenaan culeys ka badan inta ay xamili karaan.

Sidoo kale, waxaa jira baahi weyn oo loo qabo agabka badbaadada sida qalabka yar-yar ee dabdamiska ee xarumaha la dhigo iyo in tubooyinka biyaha awoodda leh lagu xiro dhismayaasha, maadaama suuqyada waaweyn ay inta badan ka caagan yihiin qalabka ka-hortagga dabka, haba ugu yaraatee calaamadaha digniinta.

Dhanka kale, qorshe-la’aanta dhismaha iyo waddooyinka ciriiriga ah ayaa caqabad ku ah in gaadiidka dabdamiska ay waqti ku gaaraan goobaha uu dabku ka kaco.

Saamaynta Dhaqaale iyo Bulsho
Khasaaraha ka dhasha dabka Bakaaraha oo kale kuma eka oo kaliya hantida ku baaba’da goobta.

Ganacsato badan oo aan lahayn caymis ayaa hal habeen ku waaya ilaha kaliya ee ay ku tiirsanaayeen, taas oo reer badan u horseeda dayac, deyn, iyo dhibaatada dhaqaale iyo mid nafsi ah.

Dhanka kale, maadaama Bakaaraha uu yahay xudunta dhaqaalaha ee dalka, gubashadiisu waxay abuurtaa gabaabsi ku yimaada badeecadaha, qiimaha raashinka oo kor u kaca, iyo curyaamin ku timaada guud ahaan silsiladdii ganacsiga Soomaaliya.

Ilaa Goorma Ayay Maareyntu Noqon Doontaa Gurmad Kaliya?

Ilaalinta hantida iyo nafta mas’uuliyaddeedu waxay saaran tahay maamullada dowladda iyo ganacsatada, maadaama ay lagama maarmaan tahay in la garawsado in ka-hortaggu uu ka hawl yar yahay kana qiimo yar yahay daminta iyo maareynta dhibaatada ka dib.

Si dhibaatadan loo baajiyo, waxaa daruuri ah in dowladda heer degmo iyo heer qaran ay dejiso xeerar adag oo kormeerka ka-hortagga dabka iyo korontada ah, in la hagaajiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo la furayo waddooyinka gurmadka iyo ilaha biyaha ee xaaladaha degdegga ah, iyo in la sameeyo guddiyo farsamo oo ka kooban ganacsatada iyo dowladda si suuqyada looga helo qalabka lagaga hortago dabka ka hor inta uusan fidin.

Amniga iyo badbaadada suuqyadeenna ma aha wax dib loo dhigi karo ama maareynteeda marka ay dhacdo kaliya lagu koobi karo; waa tiir muhiim u ah xasiloonida dhaqaale iyo jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments