Munaasabadda 1-da Luulyo, 2026, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay dhalisay dared weyn oo caalami ah. Baraha bulshada, fagaarayaasha dublamaasiyadda, iyo baraha rasmiga ah ee dowladdaha caalamka ayaa maanta soo diray farriimo hambalyo iyo dhiirrigelin ah, taas oo muujinaysa sida indhaha caalamku ay u soo eegayaan dib-u-soo-kabashada dalka.
Midowga Yurub: “66 Sano Oo Dhabar-Adayg Iyo Rajo Ah”
Farriimaha ugu horreeyay ee maanta soo baxay waxaa hoggaaminayay Midowga Yurub (EU). Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal rasmi ah ku tiri:
”Midowga Yurub waxay ku biirayaan shacabka Soomaaliyeed u dabbaaldegidda 66 sano oo ah dhabar-adayg, rajo, iyo madax-banni.”
Farriintan ayaa hoosta ka xariiqday in Midowga Yurub uu weli yahay saaxiib la isku halleyn karo, isla markaana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageeraan jidka ay u hayso dhanka dimuqraadiyadda, nabadda, iyo barwaaqada.
Dowladda Bakistan: Maamuus Gaar Ah Oo Naqshadaysan
Dowladda Bakistan ayaa dhankeeda soo saartay farriin hambalyo ah oo si aad u qurux badan loo agaasimay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Bakistan ayaa soo bandhigtay naqshad weyn oo ay ku dhex-jiraan calanka labada dal, iyadoo farriinta lagu qoray dul-saar muuqaal ah oo muujinaya xeebta quruxda badan ee Liido iyo dhismayaasha taariikhiga ah ee caasimadda Muqdisho, taas oo muujinaysa qaddarinta ay u hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladdaha Khaliijka Iyo Sacuudiga
Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowladdaha kale ee Khaliijka ayaa baahiyay farriimo rasmi ah oo ku socda madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Hoggaanka Sacuudiga ayaa u rajeeyay Soomaaliya horumar waara, iyagoo xaqiijiyay in xiriirka labada dhinac uu yahay mid istiraatiiji ah oo ku qotoma iskaashiga Carabeed iyo midka caalamiga ah. Dowladdaha Khaliijku waxay mar kale ballan-qaadeen inay sii wadi doonaan garab-istaagga dhinacyada dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed.
Midowga Afrika Iyo Dowladda Jabuuti
Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa bayaan uu soo saaray ku ammaanay horumarka amni iyo midka siyaasadeed ee ay Soomaaliya ku tillaabsatay sannadihii la soo dhaafay, iyagoo ku tilmaamay astaan dhabar-adayg oo tusaale u ah qaaradda. Sidoo kale, dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa dirtay farriin kalgacal iyo walaaltinimo ku dheehan tahay, iyadoo sheegtay in farxadda 1-da Luulyo ay tahay mid ay dowladda iyo shacabka Jabuuti si isku mid ah ula dabbaaldegayaan walaalahooda Soomaaliya.
Xaddiga iyo miisaanka hambalyada ka imaanaysa caalamka ee sannadkan 2026 waxay markhaati u yihiin in Soomaaliya ay dib u helayso maqaamkii ay ku lahayd fagaarayaasha caalamiga ah.
From the comments