Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyadoo ay socdaan kulamada heerka sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, gaar ahaan dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo danaha labada shacab. Sidoo kale, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda uu xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac.




From the comments