Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyo arrimaha la xiriira nabadda iyo xasilloonida gobolka.




From the comments