Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Dib Loo Doortay ee Hirshabeelle

Muqdisho, Oktoobar 24, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe,…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Dib Loo Doortay ee Hirshabeelle

Muqdisho, Oktoobar 24, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo in ay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda loo igmaday, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay hannaanka doorashada lagu soo doortay hoggaanka cusub, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli laga filayo hoggaanka cusub inuu sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta Hirshabeelle.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments