Goobjoog

Madaxweynaha Xasan Sheekh: Gogoshii Wada-Hadalka ee Dowladda ku Baaqday Weli way Furan tahay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gogoshii wada-hadalka siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqday ay weli furan tahay, isla markaana dowladda ay diyaar u tahay inay wada-hadal la yeelato dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, xilli uu ka qaybgalayay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, taas oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay wada-hadalka, isagoo tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka lagu xallin karo wadahadal iyo is-afgarad, halkii ay ka sii fogaan lahaayeen kala aragti duwanaanshaha jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray dhinacyada siyaasadeed ee weli khilaafku kala dhexeeyo dowladda, isaga oo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan fursadda wada-hadalka, kana qayb qaataan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka. Dowladda ayaa hore ugu dhawaaqday qabashada kulan wadatashi qaran oo la qorsheeyay inuu Muqdisho ka dhaco 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments