Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Cumaan

Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Cumaan

Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Saalim Bin Xabiib Al-Cumeyri.

Safiirka cusub ayaa Madaxweynaha gaarsiiyey salaan iyo farriin uu ka siday Suldaanka Cumaan, Suldaan Haytham Bin Daariq Al-Saciid, taas oo muujinaysa sida hoggaanka iyo shacabka dalkaasi ay u daneynayaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Suldaanka Cumaan taageerada iyo garab istaagga uu u muujiyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo safiirka cusub u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments