Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil sare oo gaaray deegaanka Balli-doogle

Muqdisho – Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka, ayaa gaaray deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay xiisad amni ka…

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil sare oo gaaray deegaanka Balli-doogle

Muqdisho – Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka, ayaa gaaray deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay xiisad amni ka taagan tahay xuduudda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Imaatinka saraakiishan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalin ka hor ay deegaanka ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Booqashada saraakiisha ayaa ku soo beegmaysa xaalad amni oo kacsan, hase yeeshee lama shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ujeeddada safarkooda ama tallaabooyinka la qorsheeyay.

Xaaladda deegaanka iyo halka ay ku dambayn doonto xiisadda ka taagan xuduudda labada gobol ayaa weli u baahan xog dheeraad ah oo rasmi ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments