Muqdisho, Oktoobar 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur, oo loo yaqaan Cabdisamad, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar bambaano oo shalay ka dhacay degmada Wadajir ee Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, eedeysanaha ayaa la sheegay inuu salaaddii maqrib kaddib bam-gacmeed ku weeraray bar-koontarool oo ciidamada amniga ku sugnaayeen, taas oo ku taalla Waaxda Xaawo Taako ee degmada Wadajir.
Weerarka ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada amniga.
NISA ayaa sheegtay in eedeysanaha lagu soo qabtay howlgal degdeg ah, iyadoo baaritaanka lagu helay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaas oo muujinaya inuu masaajid ka dawarsanayay ka hor inta uusan weerarka geysan.
Hay’addu waxay tilmaantay in muuqaalladaasi ay qeyb ka yihiin caddeymaha baaritaanka socda, isla markaana xogta hordhaca ah ay muujineyso inuu eedeysanuhu ka tirsanaa shabakadaha abaabula weerarrada lagu carqaladeynayo amniga.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in baaritaanka lagu ogaaday inuu eedeysanuhu sahmin ku sameeyay goobo amni oo ku yaalla Muqdisho, sidoo kalena uu qeyb ka ahaa kala gudbinta bambaanooyinka.
NISA ayaa sheegtay inay baaritaan ku waddo doorkii uu ku lahaa ugu yaraan 10 weerar oo bambaanooyin loo adeegsaday, kuwaas oo ka dhacay degmooyinka Kaxda, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Wadajir, Hodan, Kaaraan iyo Heliwaa.
Weerarradaas ayaa, sida ay hay’addu sheegtay, sababay dhaawaca 12 qof oo isugu jira shacab iyo ciidamada amniga.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay inay sii xoojinayso howlgallada lagu beegsanayo xubnaha Khawaarijta iyo burburinta shabakadaha abaabulan ee weerarrada ka geysta Muqdisho.
From the comments