NAIROBI (Goobjoog News) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa hawlgallo ballaaran ka bilaabay gobollada Mandheera iyo Gaarisa, kaddib markii deegaannadaas ay ku soo bateen qaraxyada iyo weerarrada lala xiriirinayo Al-Shabaab.
Booliska, cutubyada la-dagaallanka argagixisada iyo ciidamada kale ee ammaanka ayaa la geeyey goobaha loo arko inay halistu ku badan tahay. Hawlgallada waxaa lagu baarayaa waddooyinka, deegaannada xuduudaha iyo goobaha laga shakisan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxaha hubeysan.
Mustaqbal Media ayaa sheegtay in dhowr qof lagu qabtay hawlgallada, hase yeeshee tirada saxda ah, magacyadooda iyo caddeymaha xiriirinaya Al-Shabaab weli lama shaacin. Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa laga sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dadka la xiray iyo eedeymaha loo haysto.




From the comments