Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, kadib shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa yimid kaddib soo jeedin ay gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyadoo magacaabista lagu saleeyey Qodobka 145-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2026.
Xubnaha la ansixiyey ayaa isugu jira laba qareen sare iyo laba xeeldheere sharci, kuwaas oo muddo shan sano ah ka mid noqon doona Golaha Sare ee Garsoorka marka la dhammaystiro habraacyada sharci ee ansixintooda.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:
1) Maxamed-deeq Macallin Aadan
2) Maryan Sheekh Cismaan
3) Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
4) Cabdiqaadir Cali Macallin
Golaha Sare ee Garsoorka waxaa sidoo kale ka mid noqonaya masuuliyiin xilalkooda ku matalaya, sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.
Sidoo kale, Golaha ayaa meel mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, heshiis iskaashi oo dhinaca gaadiidka cirka ah oo dhex maraya Soomaaliya iyo Cummaan, iyo Axdiga Dhallinyarada Afrika oo lagu xoojinayo ka qaybgalka dhallinyarada ee go’aannada siyaasadda iyo horumarinta qaaradda Afrika.
From the comments