Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta shir uu guddoominayay Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isla markaana uu ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ku falanqeeyay xaaladda amniga iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay tallaabooyinka ay sheegtay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku gaartay heshiisyo iyo go’aanno aan loo marin hannaan wadatashi iyo is-afgarad qaran.
Puntland ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ah in aanay qeyb ka ahayn shirarka iyo geeddi-socodyada ay Dowladda Federaalka waddo ilaa laga helo hannaan lagu wada qanacsan yahay oo lagu maareeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.




From the comments