Goobjoog

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga iyo xasilloonida deegaannada

Baydhabo, 27 Oktoobar 2026 – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo looga hadlay adkeynta amniga, taageerada ciidamada qalabka sida…

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga iyo xasilloonida deegaannada

Baydhabo, 27 Oktoobar 2026 – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo looga hadlay adkeynta amniga, taageerada ciidamada qalabka sida iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada dowladda la siiyo taageerada ay ugu baahan yihiin howlgalada socda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee dowladda si loo xaqiijiyo amni waara.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale isku raacay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana taageero ciidamada ku howlan howlgalada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo badbaadinta shacabka iyo ilaalinta hantidooda.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada iyo hay’adaha dowladda ee ku howlan sugidda amniga, iyadoo mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad waarta oo ka hanaqaadda deegaannada maamulka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments