Muqdisho, Soomaaliya – 22 Sebtembar 2026: Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle.
Kulanka oo uu shir guddoominayay kusimaha Guddoomiyaha Guddiga, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), ayaa Wasiirka iyo Maareeyaha NIRA looga dhageystay warbixinno ku saabsan shaqada, waajibaadka iyo xaaladda guud ee Hay’adda NIRA.
Guddiga ayaa si gaar ah diiradda u saaray adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta muwaadiniinta, iyadoo xubnaha Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen howlaha Hay’adda, caqabadaha horyaalla, adeegyada ay bulshada siiso iyo qorshayaasha horumarinta.



From the comments