Goobjoog

Soomaaliya oo heshay $300 Milyan oo gargaar bani’aadannimo ah

Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa shaaciyey in Soomaaliya loo ururiyey lacag dhan 300 milyan oo dollar, taas oo qeyb ka ah qorshaha gurmadka…

Soomaaliya oo heshay $300 Milyan oo gargaar bani’aadannimo ah

Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa shaaciyey in Soomaaliya loo ururiyey lacag dhan 300 milyan oo dollar, taas oo qeyb ka ah qorshaha gurmadka bani’aadannimo ee dalka ee sannadka 2026.

OCHA ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ka timid deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, iyadoo ilaa hadda la helay 35.2 boqolkiiba miisaaniyadda guud ee loo qorsheeyey wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay xogta ay hay’addu baahisay, qorshaha gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2026 ayaa u baahan lacag dhan 852 milyan oo dollar, si loo gaarsiiyo gargaar malaayiin qof oo wajahaya xaalado bani’aadannimo oo adag.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in inkastoo dhaqaalaha la helay uu suurageliyey in hay’adaha gargaarku badbaadiyaan nolosha dadka ku nool qeybaha kala duwan ee dalka, haddana ay weli dhiman tahay lacag dhan 552 milyan oo dollar.

OCHA ayaa ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay sii xoojiyaan taageeradooda, si loo daboolo baahiyaha dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa baahiyo bani’aadannimo oo baahsan, iyadoo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah iyo taageero lagu badbaadinayo noloshooda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments