Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Paulsen, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo wakiillo ka socday Dowladda Norway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada u-diyaargarowga xaaladaha El Niño, horumarinta nidaamyada digniinaha hore iyo qaadista tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo saameynta musiibooyinka.
Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay ka wada hadleen sidii digniinaha hore loogu xiriirin lahaa tallaabooyin wax-ku-ool ah oo isku-duuban, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hab-nololeedka bulshada, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira El Niño.




From the comments