Goobjoog

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay ansixinta Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu hore u meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan…

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay ansixinta Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu hore u meel mariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dhammaystireysa ku biirista Soomaaliya ee heshiiska AfCFTA, iyadoo dalka uu hadda gudbin doono waraaqaha rasmiga ah ee ansixinta Guddiga Midowga Afrika.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in ku biirista heshiiskan ay ganacsatada, maalgashadayaasha, warshadeeyayaasha, iskaashatooyinka iyo dhoofiyeyaasha Soomaaliyeed u fureyso suuq ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof, taasoo abuureysa fursado cusub oo dhinacyada dhoofinta, maalgashiga, warshadaynta, kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedaysa inay si buuxda uga faa’iidaysato suuqa ugu weyn ee ganacsiga xorta ah ee dunida, isla markaana sare u qaaddo tartanka iyo hal-abuurka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa sidoo kale sheegtay inay hoggaamin doonto hirgelinta heshiiska, iyadoo diyaarin doonta jadwalka canshuuraha, qalabka ganacsiga iyo barnaamijyo wacyigelin ah si ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, ay uga faa’iidaystaan fursadaha uu heshiisku bixiyo.

Heshiiska AfCFTA ayaa ah kan ugu weyn dunida ee ganacsiga xorta ah marka loo eego tirada dalalka ka qaybgalaya, waxaana ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda ganacsiga gudaha Afrika, xoojinta silsiladaha wax-soo-saarka, dardargelinta warshadaynta iyo koboc dhaqaale oo waara oo qaaradda oo dhan ka hirgala.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments