Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay hannaanka ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo noqotay dalka 50-aad ee xubin ka noqda heshiiskan kadib markii dowladda Soomaaliya ay dukumentiga ansixinta ku wareejisay Midowga Afrika magaalada Addis Ababa.
Tallaabadan ayaa soo gabagabeyneysa hannaankii gudaha ee ansixinta heshiiska, kaas oo ay hore u meel mariyeen Baarlamaanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ku biirista AfCFTA waxay Soomaaliya u furaysaa fursad ay ganacsatada iyo wax-soo-saareyaasha Soomaaliyeed uga faa’iideystaan suuq qaaradeed oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof, iyadoo heshiisku ujeedkiisu yahay fududeynta ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee dalalka Afrika.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Gamal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ee hadda hortaalla dowladda ay tahay sidii ansixinta heshiiska loogu beddeli lahaa ganacsi dhab ah, iyadoo la diyaarinayo nidaamyada kastamka iyo canshuuraha, lana taageerayo shirkadaha Soomaaliyeed si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay dhoofinta.
Dowladda ayaa sidoo kale hore u dhistay Xafiiska Isku-dubaridka Qaranka ee AfCFTA, kaas oo isku xiri doona hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada iyo ganacsatada.
Heshiisku wuxuu Soomaaliya u abuuri karaa fursado lagu kordhiyo wax-soo-saarka iyo dhoofinta, gaar ahaan dhinacyada xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, wax-soo-saarka iyo adeegyada.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in fursadaha ganacsi ee cusub ay soo jiitaan maalgashi shisheeye, isla markaana ay Soomaaliya ka caawiyaan inay si weyn ugu xirnaato silsiladaha ganacsi ee qaaradda.
Si kastaba ha ahaatee, ku biirista heshiiska ayaa ah bilow, waxaana caqabadda ugu weyn noqon doonta hirgelintiisa.
Soomaaliya waxay u baahan tahay inay casriyeyso nidaamka kastamka, dejiso canshuuraha ganacsiga ee heshiiska, xoojiso kaabayaasha gaadiidka iyo wax-soo-saarka, isla markaana ganacsatada u fududeyso helitaanka maalgelin iyo suuqyo cusub.
AfCFTA Secretariat-ka ayaa sheegay in tallaabooyinka xiga ay ka mid yihiin hirgelinta nidaamka canshuuraha doorbidka ah iyo dhammeystirka qaar ka mid ah waajibaadka ganacsi ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajaynaysa in heshiiskan uu gacan ka geysto kordhinta dhoofinta, abuurista shaqooyin, soo jiidashada maalgashi iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo dalka loo diyaarinayo inuu ka gudbo dhaqaale inta badan ku tiirsan soo dejinta una gudbo mid si weyn uga qayb qaata ganacsiga qaaradda.
tallaabadani waxay noqon kartaa fursad dhaqaale oo weyn, balse natiijada dhabta ah waxay ku xirnaan doontaa awoodda dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay suuqa weyn ee Afrika ugu beddelaan wax-soo-saar, dhoofin iyo shaqo-abuur gudaha dalka ah.
From the comments