Goobjoog

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho ku yeeshay Madal Ganacsi iyo Maalgashi

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga…

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho ku yeeshay Madal Ganacsi iyo Maalgashi

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Madasha waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socday labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha inay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, kalluumaysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay fursad lagu soo jiidan karo maalgashi shisheeye, lagu abuuri karo shaqooyin cusub, laguna kobcin karo wax-soo-saarka gudaha.

Madashan ayaa sidoo kale muhiim u noqon karta in ganacsatada labada dal ay si toos ah isugu xirmaan, isla markaana la abuuro iskaashi ganacsi oo ka gudba heerka hadallada una gudba maalgashi iyo mashaariic wax-ku-ool ah oo gudaha Soomaaliya laga hirgeliyo.

Soomaaliya oo leh xeeb dheer, dhul beereed, kheyraad dabiici ah iyo baahi weyn oo loo qabo kaabayaal dhaqaale ayaa doonaysa inay dalka ka dhigto meel ay maalgashadayaasha caalamiga ah ka helaan fursado ganacsi oo cusub.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho ku yeeshay Madal Ganacsi iyo Maalgashi - Goobjoog