Goobjoog

Kenya oo tallaabo ka qaadaysa ganacsatada ajaanibta ah

Dowladda Kenya ayaa bilowday tallaabooyin lagu xakameynayo ganacsiyada yaryar ee ay maamulaan ajaanibta, gaar ahaan dukaamada tafaariiqda yar-yar iyo ganacsiga waddooyinka, kaddib markii Madaxweyne William Ruto uu sheegay in ganacsiyada noocan ah mudnaanta la siinayo muwaadiniinta Kenya.

Kenya oo tallaabo ka qaadaysa ganacsatada ajaanibta ah

Dowladda Kenya ayaa bilowday tallaabooyin lagu xakameynayo ganacsiyada yaryar ee ay maamulaan ajaanibta, gaar ahaan dukaamada tafaariiqda yar-yar iyo ganacsiga waddooyinka, kaddib markii Madaxweyne William Ruto uu sheegay in ganacsiyada noocan ah mudnaanta la siinayo muwaadiniinta Kenya.

Madaxweyne Ruto ayaa hadalkan jeediyay 2-dii Sebtembar, xilli uu magaalada Nairobi kulan kula lahaa ganacsatada ka shaqeeya shirkadaha iyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Waxa uu sheegay in Kenya ay soo dhoweynayso maalgashiga shisheeye, gaar ahaan maalgelinta waaweyn ee keenta raasamaal, shaqooyin, tiknoolajiyad iyo horumar dhaqaale, balse uusan habboonayn in ajaanibta ay si toos ah ula tartamaan dadka Kenyaanka ah ee ku tiirsan ganacsiyada yaryar sida dukaamada iyo wax ku iibinta waddooyinka.

Ruto ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo 7-da Sebtembar la bilaabo tallaabooyin lagu xirayo ganacsiyada yaryar ee ay maamulaan ajaanibta, isagoo sidoo kale faray hoggaanka Baarlamaanka Kenya iyo Wasaaradda Ganacsiga inay dedejiyaan meel-marinta hindise-sharciga Local Content Bill 2025.

Hindise-sharcigan oo weli baarlamaanka horyaalla ayaa looga gol leeyahay in shirkadaha shisheeye lagu qasbo ama lagu dhiirrigeliyo inay kordhiyaan isticmaalka shaqaalaha, adeegyada iyo wax-soo-saarka gudaha Kenya.

Dowladda Kenya ayaa tallaabadan ku micneysay ilaalinta ganacsatada gudaha, iyadoo ay jiraan cabashooyin sheegaya in ganacsatada ajaanibta ah ay si toos ah ula tartamayaan dadka Kenyaanka ah ee ku shaqeysta ganacsiyada yaryar.

Khubarada dhaqaale ayaa sidoo kale qaba aragti ah in haddii si habsami leh loo fuliyo, siyaasaddan ay fursado badan u abuuri karto ganacsatada Kenyaanka ah iyo shaqo-abuurka gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan su’aalo ku saabsan sida amarka cusub loogu dabaqi doono ajaanibta horey u haysta rukhsadaha ganacsi iyo oggolaanshaha shaqada.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Korir Sing’Oei, ayaa sheegay in ajaanibta buuxisa shuruudaha sharciga Kenya, isla markaana haysata rukhsadaha iyo laysannada looga baahan yahay, ay weli sharci ahaan xaq u leeyihiin inay ganacsi ka sameystaan dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadallada madaxweynaha laga yaabo in si ka baxsan macnaha guud loo fasiray, maadaama dooddu ku saabsanayd hindise-sharciga Local Content Bill.

Tallaabada ka dhanka ah ganacsiyada yaryar ee ajaanibta ayaa kusoo beegmaysa xilli Kenya ay weli si weyn ugu baahan tahay maalgashiga shisheeye.

Xogtii ugu dambeysay ee Xafiiska Tirakoobka Qaranka Kenya waxay muujineysaa in kaydka maalgashiga tooska ah ee shisheeye uu dhammaadkii 2023 gaaray 1.458 tiriliyan oo shilin Kenya ah, oo u dhiganta qiyaastii 11.27 bilyan oo doollar.

Shirkadaha shisheeyuhu maalgeliyay ee la baaray waxay sidoo kale shaqaaleysiinayeen in ka badan 224 kun oo qof, kuwaas oo in ka badan 221 kun ay ahaayeen Kenyaan.

Si kastaba ha ahaatee haddii go’aankani uu hirgalo waxaa dadka uu saamayn doono kamid ah Soomaali badan oo ka shaqaysta dalkaas, kuwaas oo aan intooda badan haysan rukhsado ganacsi.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments