Goobjoog

Geeska Afrika oo Yeeshay Guddi Cusub oo Fududeynaya Ganacsiga Gobolka

Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) ayaa saxiixay baaq wadajir ah oo lagu aas-aasay Guddiga Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee Geeska Afrika (RTFC), kaas oo looga gol…

Geeska Afrika oo Yeeshay Guddi Cusub oo Fududeynaya Ganacsiga Gobolka

Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) ayaa saxiixay baaq wadajir ah oo lagu aas-aasay Guddiga Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee Geeska Afrika (RTFC), kaas oo looga gol leeyahay in la fududeeyo ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha dalalka gobolka.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada ganacsiga ee madashan, kaas oo ay guddoominaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirrada ganacsiga ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan.

Dalalka xubnaha ka ah ayaa sidoo kale meel mariyey Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, iyadoo la isku raacay qorshe 45 maalmood ah oo lagu hawlgelinayo guddiga cusub laguna qabanayo kulankiisii ugu horreeyay.

Guddigan ayaa isku xiri doona guddiyada qaran ee fududeynta ganacsiga, isla markaana ka shaqeyn doona yareynta caqabadaha hortaagan ganacsiga xuduudaha iyo isu-socodka badeecadaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo guddoominayay shirka, ayaa sheegay in guusha heshiiskan lagu qiimeyn doono natiijooyinka ay si dhab ah u dareemaan ganacsatada iyo shacabka gobolka.

“Waxaan maanta yeellannay jihada mideysan, hannaan hirgelineed iyo jadwal cad. Waxa hadda la inaga sugayaa waa in ballanqaadkan siyaasadeed aan u beddelno natiijooyin ay arki karaan ganacsatada iyo shacabka gobolka,” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Dalalka xubnaha ka ah ayaa laga doonayaa inay wakiilladooda guddiga cusub soo magacaabaan ugu dambayn 30-ka Sebteembar 2026.

Dhismaha guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo ganacsiga Geeska Afrika, laguna yareynayo waqtiga iyo kharashaadka ku baxa badeecadaha xuduudaha ku xayirma, iyadoo sidoo kale la filayo inuu furo fursado ganacsi iyo maalgashi oo cusub oo ay ka faa’iideystaan shacabka gobolka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments