Goobjoog

Ugu Yaraan 15 Qof oo ku Dhintay Duqeymo Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ka Geysteen Xero Barakacayaal oo ku Taalla Itoobiya

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay duqeymo isdaba joog ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ka fuliyeen xero ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah oo ku taalla gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Qof kamid ah bulshada deegaanka ayaa xaqiijiyay in weerarradaasi ay sababeen dhimashada ugu yaraan 15 qof, iyadoo la sheegay in dad kale oo badan ay ku dhaawacmeen.

Mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka ayaa  isna xaqiijiyay inuu la socdo dhacdada, isaga oo sheegay in maamulka uu dadaal ugu jiro sidii gargaar caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaawacmay weerarka.

Sida uu mas’uulkaasi sheegay, 36 qof oo dhaawac ah ayaa loo fidinayay gargaar caafimaad, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin xaaladdooda.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysay duqeymaha, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta loo bartilmaameedsaday xerada barakacayaasha.

Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa khatarta ay dadka rayidka ah, gaar ahaan barakacayaasha, kala kulmayaan colaadaha ka socda gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments